Isbadallada Nolosha 2024
Sanadkaan dhammaaday ee 2024 wuxuu ii ahaa sanad aan bartay casharro badan, booqdayna meelo badan, garaad weynna ii kordhay. Waxaan dareemayaa sida inaan 10 sano ka soo gudbay oo kale. Sidoo kale waxaan galay safarro dalxiis iyo mid cibaado intaba, kuwaas oo aan marnaba xusuusteyda ka go’eyn. Qibradaha aan ka kororsaday safarradeyda ayaa ah kuwo ii noqon doono xasuuso farxadeed iyo mid taariikheed intaba.
Marka la eego sanadkii galbaday ee 2024, waxa ugu muhiimsanaa in aan waayo-aragnimo badan ka helay dadkii aan bartay iyo kuwii aan hore u garanayey intaba. Waxay i bareen casharro nololeed oo aan qaarna ku cibro qaatay qaarna aan ku ogaaday wanaagga Aadmiga.
Safarradii aan galay 2024 waxay gaarayeen ilaa 3 safar. 3-da safarba waxay igu reebeen raad aan marnaba ka tirmeynin qalbigeyga. Goobihii aan tagay waxaa ka mid ahaa Sacuudiga, Masar, iyo safar aan ku gaaray magaalada Garowe. Waxaan jecleystay inaan halkan ku soo gudbiyo safarradaas iyo waxyaabihii aan kala kulmay, oo laga yaabo in ay adigana ku xiiso-galiyaan.
Safarkeygii 1aad (Kacbada)
24, March, 2024: Safarkii ugu horreeyay ee aan sanadkaas galay waxa uu ahaa safar cibaado oo aan ku aaday magaalada barakeysneed ee Maka Al-mukarrama ee dalka Saudi Arabia. Ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan soo cimreysto. Run ahaantii safarkan wuxuu ii lahaa dareen gaar ah oo aan la soo koobi karin. Bal suureyso adigoo Kacbada Alle hor taagan oo haddana sooman.
Safarkii Cimrada: wuxuu ahaa safar aad iigu weynaa farxad gaar ahna watay. Waxaan soo aaday Xaramka xilli ay aheyd Ramadaan. Safarkan waxaa igu wehelinayey qeyb ka mid ah qoyskeyga, wuxuuna qeyb ka ahaa riyooyinkii aan ku taami jirey ilaa yaraanteydii.
Magaalada Jiddah waxaan ku soo aadnay xilli Duhur ah, salaaddii Duhur iyo salaaddii Casarba halkaas ayaan ku tukannay. Ka dib waxaan u jaheysannay dhankaas iyo magaalada Madiina oo aan gaarnay saacado ka dib. Waxaa nala dajiyay hotel aad u wanaagsan halkaas oo aan ku nasannay. Intaanan hoyan ka hor waxaan aniga iyo walaasheyda Muniira Cismaan iyo sido kale wiilka aan eedada u ahay Maxamed Amiin oo muxram noo ahaa isla aadnay booqashada masjidka nabiga SCW, oo aheyd habeenkii ugu horreeyay ee aan salaad ku dukanno masjidka nabiga SCW. Labo maalin ayaan si toos ah ugu dukaneynay masjidka nabiga SCW, waana maalmo iiga dhignaa malaayiin sano. Waa nasiib ii hagaagay iyo riyo ii rumowday. Inta aan joognay magaalada Madina nasiib wanaag waxaan si kadis ah kula kulmay walalkeyga Nabiil Cusmaan oo aanan midkeenba ogeyn in uu joogo dalka sacuudiga, kulan farxadeed ayey noo aheyd maadaama aan ku kulannay Meel lagu kulmo Meesha ugu khayrka badnayd.
Maalintii labaad oo taariikh ahaan ku beegan 26, March, 2024 waxaan aadnay goobo taariikhi ah sida Buurta Uxud, Qabuuraha 70ka saxaabi ku aasnaayeen kuwaas oo ku shahiiday dagaalkii Uxud; Masjid Qiblateyn, Masjid Qubaa, beeraha timirta, iyo goobo kale
27, March, 2024 ayaan ka baxnay Madiina annagoo u jiheysannay Maka gaar ahaan Xaramka, annagoo sii marnay Dulxuleyfa si aan ugu xiranno Cumrada. Waxaan soconnaba waxaan xilli habeen ah tagnay Xaramka halkaas oo aan ka sii wadannay acmaasheennii cimraysiga. isla habeennimadii waa ay noo soo gabagabowday alle mahaddii.
Inta aad joogto Xaramka waxaad illoobeysaa wixii adduun ah, kaliyana waxa aad ka fakareyso waa nafsaddaada iyo cibaadadaada. Maaddaama dadka Meesha jooga ay cibaado u yimaadaan, waxay kuu tahay dhiirrigalin aan qiyaas laheyn.
Waa dareen farxad leh iyo waqti aadan dooneyn inuu kaa dhammaado, dadkuna aysan ku mashquulineyn. Maalin walba waxaan caado ka dhigan jirnay aqrinta Quraanka annaga oo sooman, ku afuridda biyaha Zamzamka, ducada iyo la dukashada jameecada tirada badan ee masjidka Xaramka. Intii aan joogay Xaramka waxaan ka qeybgalay salaad Janaaso ah waana markii ugu horreysay ee aan janaaso tukado.
5, April, 2024: Waa maalin kale iyo farxad aan la qiyaasi Karin. Waxaan gacanteyda iyo wajigeyga ku taabtay oo aan dhunkaday Kacbada Alle oo salad walbo aan dukado dhinaceeda u soo jeesan jiray. Waxaa farxaddaas ii dheer carafta iyo udgoonka Kacbada oo aanan hore u arag caraf la mid ah. Waxa igu maqaalo ah in loo sameeyo catar u gaar ah oo udgoon badan.
10, April, 2024: waxay ii aheyd maalin kale oo farxad badan. Kacbada oo ii muuqato ayaan ku tukaday salaaddii subax iyo salaaddii Ciidul-fidriga. Waxyaabaha aan aadka ujeclaaday waxaa ka mid ahaa in dadku noogu wici jireen Duyuufurraxmaan oo ah Martida Alle. Waxay ahaayeen dadka deegaanku kuwo aad noo soo dhaweeyay. Sidoo kale maalintii Ciidda waxyaabaha aan jecleystay waxaa ka mid ahaa hadiyado sida nacnac, shukulaato, iyo macmacaanno yaryar oo kor loo firdhinaayo. Adigoo fadhiya ayey kugu soo kor dhacayaan sida roobka oo kale, taasoo loola jeedo “Dabaaldagga Ciidda”.
جبل غار حراء
11, April, 2024: waa maalin kale iyo jawi kale oo gaar ah. Waxaan booqannay Buurta Carafa iyo Rajmiga aniga iyo koox kale oo isugu jiray walaalo iyo asxaab. Waxaan sii aadnay Buurta Gaaru Xiraa (جبل غار حراء ) oo aheyd meeshii nabi Muxammed SCW uu Quraanka kula soo dagay.
Buurtaas taariikh gooni ah ayay noo aheyd koriddeeda, waxayna nagu qaadatay qiyaastii labo saacadood ka badan. Marka aad joogto meesha ugu korreysa ee buurta waxaa kaa hooseeya oo aad si toos ah u arkeysaa magaalada Maka iyo dhismayaasheeda sida aad sawirka ka aragtaan. Waxaan dareemay dhibaatada nabigeena SCW uu la soo maray diinteenna macaan ee Islaamka, iyadoo waqtigan meelaha qaar jaranjar loo yeelay ayaanba awoodi weynay inaan korno. Bal ka warran qofkii buurtan baaxadda weyn leh kora ayadoo aysan jirin casri jaranjar la adeegsado?.
Safarkeygii 2aad (Garowe)
8, May, 2024 – 11, May, 2024: Waxaan safar tababar ah u aaday magaalo-madaxda maamulka Puntland ee Garowe. Tababarkaas oo ku saabsanaa Understanding Finance & Procurement, kaas oo ay noo qabatay RVI. Tababarkan waxaa loo qabanayey dadka ka shaqeeya arrimaha xisaabaadka iyo wax iibsiga oo ka kala yimi hay’ado kala duwan iyo meelo kala duwan. Qamar ahaan, waxaan ka socday hey’adda Somali Public Agenda oo aan u qaabbilsanaa qeybta wax iibsiga (Procurement & logistics Officer). Waxa uu tabarkaas ii ahaa mid aad muhiim iigu ah oo aan wax badanna ka fahmay maaddaama uu ka hadlaayay jagada aan ka shaqeeyo. Tabobarkan waxa uu socday labo maalin, aniga oo ka qeybgalay aqoon-isweydaarsiga maalintii labaad oo ku saabsaneyd Procurement Section.
Markii tababarku noo dhammaaday waxaan waqti qurux badan ku qaadannay oo na lagu casuumay “Hidaraac Restaurant” oo runti aheyd meel si aad u wanaagsan loo diyaariyey. Waxay aheyd meel aan isku barannay inteennii tabobarka ka qeybgashay. Soo dhaweyntii iyo maamuuskii na loo sameeyey waxaa sidoo kale kaalin weyn ka qaatay bahda PDRC oo aan halkaan uga mahadcelinayo.
Safarkeygii 3aad (Egypt)
28, August, 2024: maalin Arbaco ah, dhammaadkii bishii Agoosto waxaan safar ku aaday caasimadda dalka masar ee Qaahira. Waxaa safarkaas igu wehlinaayey wiilkeyga Maxamed Haadi. Safarkan waxaan ka qoray 2 qoraal oo xusuus-qor ah, kuwaas oo aan ugu magac-daray:
Safarkii Masar wuxuu ii ahaa mid aad u qurux badan oo aan mar walba ka sheekeeyo.
Gabogabo
2024 wuxuu ii bilawday anigoo faraxsan, wuxuuna ii dhammaaday anigoo aad u faraxsan. Alle ayaa ku mahadsan marka hore, oo ii qaddaray inaan nolol ku gaaro sanadkaan 2025, aniga oo caafimaad qabo iina suurogaliyay inaan oraahdaan xusuus-reebka ah qoro. Marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta nolosheyda ku soo biirtay intii lagu gudojiray sanadkii la soo dhaafay, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay waayo-aragnimada ii korortay. Waxaan idin leeyahay noolaada inta ay nolol jirto, cashar walba oo aad i tusteenna, noocuu doono ha ahaadee, waad ku mahadsantihiin.
Sanad waxbadan & xaalado kala duwan alle kugu hareereeyay buu ahaa. Sanado badanoo qeyr leh baan kuu rajeyn
ReplyDelete