Isbadallada Nolosha 2024
Sanadkaan dhammaaday ee 2024 wuxuu ii ahaa sanad aan bartay casharro badan, booqdayna meelo badan, garaad weynna ii kordhay. Waxaan dareemayaa sida inaan 10 sano ka soo gudbay oo kale. Sidoo kale waxaan galay safarro dalxiis iyo mid cibaado intaba, kuwaas oo aan marnaba xusuusteyda ka go’eyn. Qibradaha aan ka kororsaday safarradeyda ayaa ah kuwo ii noqon doono xasuuso farxadeed iyo mid taariikheed intaba. Marka la eego sanadkii galbaday ee 2024, waxa ugu muhiimsanaa in aan waayo-aragnimo badan ka helay dadkii aan bartay iyo kuwii aan hore u garanayey intaba. Waxay i bareen casharro nololeed oo aan qaarna ku cibro qaatay qaarna aan ku ogaaday wanaagga Aadmiga. Safarradii aan galay 2024 waxay gaarayeen ilaa 3 safar. 3-da safarba waxay igu reebeen raad aan marnaba ka tirmeynin qalbigeyga. Goobihii aan tagay waxaa ka mid ahaa Sacuudiga, Masar, iyo safar aan ku gaaray magaalada Garowe. Waxaan jecleystay inaan halkan ku soo gudbiyo safarradaas iyo waxyaabihii aan kala kulmay, oo laga yaabo i...