Wixii kuu qoran kun sano ayay kaa weyn yihiin
Cabdullahi
Aadam waxa uu ahaa nin Ilahey ku xiran oo taqwo badan. Wuxuu ahaa aabbo
Soomaliyeed oo leh xaas iyo caruur, wuxuuna u xamaalan jiray reerkiisa xilligii
Soomaaliya ay ka socdeen dagaalladii sokeeye.
Waxaa
dhacday maalin maalmaha kamid ah in ay is dagaaleen labo qabiil, kadib kooxdii
laga adkaaday ayaa waxay ku heshiiyeen in ay si aargudasho ah u dilaan qof
kamid ah reeraha kooxda ay ladagaalsanaayeen.
Cabdullahi
Aadam oo ahaa nin jecel nabadda kanasoo horjeeday dagaalkii beelaha ee wadanka
ka dhacayay ayaa maalin isaga oo socda waddo waxaa qabtay qoladii raadineysay
aargudashada. Waxa ay saarteen qeybta dambe ee gaari nuuciisu yahay
Harrier isaga oo ku dhawaaqaya “war halkeed ii wadaan” iyo “maxaa iga
rabtaan”. Waxa ay u dhaqaaqeen meel duur ah si ay ugusoo dilaan .
Waxay
socdaanba markii dambe gaarigii ayaa ka galay bacaad. Gaariga Harrier ma aha
gaari bacaad in uu lago lagu yaqaano balse qadarta Illahey ayaa ah mid
wax walba ka weyn.
Qoladii
hubeysneyd ayaa bilaabay in ay riixaan gaarigii bacaadka ka galay, balse nasiib
wanaag gaarigi waa ay riixi waayeen waayo waxay ahaayeen 3 nin: mid gaariga
ayuu waday labana waa ay riixayeen. Nimankii hubeysnaa iyagoo raadinaya qorsho
ay gaariga bacaadka kaga saaraan gabalkana uu sii dhacayo ayaa mar dambe waxaa
meesha soo maray dhalinyaro ka timid banooni. Dhalinyaradii ayaa bilaabeen in
ay la riixaan gaariga si ay bacaadka uga saaraan. Iyagoo wada riixaya
dhaliyaradii banooniga ka timid iyo qoladi hubeesneyd ayaa dhalintii mid
kamid ah taabtay botton yar oo lagu furo buudka dambe ee gaariga, kadib
Abdullahi aadam oo ahaa ninkii ku xabisna buudka dambe ee gaariga ayaa markiiba
kasoo baxay gaariga qeebtiisa dambe isagoo cararaya. Dhalinyaradii ka timid
banooniga ayaa markiiba kala cararay iyagoo argagaxsan lana yaaban qofka
gaariga kasoo baxay .
Cabdullahi
Aadam ayaa carar wuxuu ku galay xero ari lagu xareeyo oo ay laheyd cid meesha
ka ag dhaweyd. Qoladii hubeysneyd oo u maleysay in uu Cabdullahi galay guriga
meesha ku yaalay ayaa ciddii u galeen waxayna billaabeen in ay ciddii baaraan
gurigooda ayna cabsi galiyaan si ay u helaan ninka ay ku tabayaan meesha.
Waxay
raadiyaanba waa ay waayeen. Qoladii oo is leh yaanan meesha la idinkugu imaan
ayaa ku laabtay gaarigoodii. Layaab!!. Gaarigii bacaadka ku jiray ayaa
dhaqaaqay markii ay ku laabteen.!!!
Cabdullahi
aadam ayaa kasoo baxay xeradii ariga isagoo cabsanaya. Kadib wuxuu u galay
reerkii meesha degganaa, wuxuuna weydiistay wax uu ku afuro iyo meel uu maqrib
ku tukado. Dadki meesha joogay ayaa wareysi la galay, waxa uuna u xog waramay
sida ay wax u jiraan.
Wareysigii
kadib ayaa dadkii meesha joogay u ballan qaadeen in ay si ammaan ah u geeyaan
gurigiisa. Waxaa lagu daray labo nin oo kamid ahaa deegaanka uu Cabdullaahi
kaga fakaday kooxdii. Ugu dambeyn, Cabdullaahi si nabad ah ayaa lagu geeyay
xaafaddiisa, sidaas ayuuna ku badbaaday.
Dulucda
sheekada waa in Allah lagu xirnaada marwalba qadartana aad aaminsanaataa.
F.G: Qisada waa qiso xaqiiq ah, balse Cabdullahi Aadam waa magac aan aniga sameystay


Comments
Post a Comment