Dhalasho iyo Dhambaal Farxadeed

Hambalyo wiilkeyga Maxamed-Haaddi. Hooyo, waxaad dhalatay maanta oo kale oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Abriil 2020, abbaare 5:15 galabnimo. Maanta waad shan sanad jirsatay, shantaas sano adiga waxay kuu ahayd iftiin, farxad iyo dhaldhalaal aad ku soo dhex koraysay, balse aniga waxay ii ahayd shan sano oo garaad, waaya-aragnimo iyo farxad isbiirsaday ah. 

Waa shan sano oo iiga duwan intii aan soo noolaa adiga ka hor, waayo waxaad ii noqotay wehel oo markaan murugoodo aan farxad ka raadsado. Waxaad ii noqotay deyr aan weheshado markaan cidloodo. Waxaad ii noqotay dhiirrigaliye markaan niyad jabo i dhiirriya. Hooyo, waxaad tahay ildoogsi aan ku illaabo dhibaato kasta oo i soo marta. Shantaas sano ee aad indhahayga hortooda ku koraysay waxaad dhistay maskaxdayda, garaadkeyga, farxaddayda, hankeyga iyo kalsoonidayda oo ah inaan hooyo noqon karo. 

Hooyo, maalintii aad dhalaneysay fooshaadu waxay ii ahayd mid aad u xanuun badan taariikh weyna ii leh. Muddo maalin iyo bar ah ayaan dareemayay xanuunka fooshaada oo markii dambe la igu dhahay “waxaad ku dhaleysa qalliin (C section)”. Hooyo macaane, curadkeygiyoow, xanuunkaas, murugadaas iyo dhaawacaas oo dhan waxaan ku illaabay adiga dhoolacaddeyntaada, farxadaada iyo qosolkaaga. Hooyo, ogow jacaylka dhabtaa waa midka ka dhaxeeya waalidka iyo ubadkiisa waxaana dareemi karo qof kasta oo waalid ah. 

Hooyo, waxaan ku dadaalaa sidii aad ku heli lahayd waxbarasho tayo leh si aad u noqoto aqoon yahan, naftiisa ka sokoow, dadkiisa iyo dalkiisa waxtara. Waxa kale oo aan ku dadaali doonaa in aad ku noolaato nolol amni leh oo dhiirranaan ku jirto si aad asaagaaga uga horumarto. Deeqsiyow hooyo, inta aan noolahay ma cidloon doontid, ma murugoon doontid mana dhibaatoon doontid, inta awooddeyda ahna hambalyadada iyo farxaddaada kama daali doono. Ciiltirow hooyo, maalintaadu waxay ii ahaan doontaa maalin iiga duwan maalmaha kale. 


Duco iyo Dardaaran

Hooyo, waxaad ku soo biirtay duni ay dadka xuni aad u saamayn badan yihiin. Wiilkeygow waxaan kugula dardaarmayaa in aysan ku saameynin dadka xun. Waxaan sidoo kale kugula dardaarmayaa in aad wanaagga u noqoto tusaale fiican iyo hoggaan caddaaalad badan. Hooyoow noloshaada waxan ka dhowray xaaraan iyo xoolo islaameeda, adna sidaan kuu ilaaliyey uga dhowrsanow labadaas. Xaaraan waxaa ka badbaada kaliya qofka Alle isku dhiiba ee noqo qof mar kasta Alle talo saarto, waayo wax walba Allaha deeqsiga ah ayaa kaaga filan.

Hooyo, ha is wada raacsiin dunidaan dhaldhalaalka badan oo ha illaabin sababtii laguu keenay dunidaan, oo ahayd inaad Ilaahey caabuddo/addeecdo. Hooyo, ka faa’idayso jaanisyada wanaagsan oo ku soo mara waayo kuuma soo laaban doonaan mar kale, hana ka qoomameyn wixii ku seega ee dadaalkaaga ka baxsan waayo calafkaaga ma aha. Hooyo, caawi cid walba oo kaa awood yar adiga oo aanan abaal ka sugeynin iyaga, Alle ayaa ku abaalmarin doonee. Hooyo noqo mid ixtiraam badan adiga oo ka billaabaya naftaada, waalidkaada iyo qof walba oo ixtiraam kaa mudan.

"Daacadow Haadi 

Darajo badanow hooyo 

Deeqsiyow mahamed 

Dun wanaagow hooyo 

Dugsigan ku nastiyo 

Neecawdaan dareemow hooyo 

Dardaaran baan kuu wadaaye 

Guddoon wacan hooyo

Dunidaan nacastaa maalintay 

Kugu soo dul liicdo hooyo

Maalintay waayuhu ku dabraan 

Daalay aad tiraahdo hooyo

Xasuuso digrigii eebiyo 

Dardaarankii rasuulka hooyo

Daganaanshaa laga helaa 

Iyo dareen gooniyahe hooyo

Daa’inkaaga weydiiso hooyo 

Laabtu waxay doonayso hooyo

Ducaduna waa darajee 

Gacmaha sare u taago hooyo

Hooyo waa iga dardaarane 

Daa’inkaaga kaasho hooyo

Kuu duceeyay aniguye 

Degenaan ku meel mar hooyo."

Hooyo, llahay waxaan kaaga baryaa cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suubban. Hooyo, Alle hakaa dhigo mid xalaasha quuta, xaaranta ka dheeraada, dulmigana aan oggolaanin. Hooyo, waan ku kalsoonahay dadaalka aan kuu soo huray in aad miro wanaagsan ka dhalin doontee, adna Alle hakula garabgalo masuuliyadda ku saaran. Waxaan ku hanweynahay inaad noqon doontid wiil diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa wax u tara. 

Hooyo, ahow mid dulqaad badan muujiya waayo waxaan joognaa adduun dulmigu ku badan yahay caddaaladduna ku yar tahay. Hooyo qormadan waxan qoray markaad shan jirsatay waxaana kuu rajeynayaa inaa aqrisid mar kasta oo aad u baahato weheshigayga. Curadkeygiyow, waxan kula jecelahay inaad asaagaa ugu sarreyso, sidaas ahow waligaa 

"Hooyow cuddoonow

Cadkii layga beerow 

Curadkaan jeclaayow 

Casiiskaan baryaayaa

Inuu caafimaad iyo

Kuu hibeeeyo ciso iyo sharaf

Casirkiyo salaadaha 

Habeenkii cishaha ka dib 

Caadil waxa ka tuugaa 

Inuu caalim mu’mina 

Ama amiir daacada oo caadila 

Caawiya dadkiisoo

Kaa dhigo duco qabe

Kaa dhigo duceysane."

Hooyo, maansadaan waxaan kuu tiriyay adigoo uurka ku jira (17 Feb 2020)

Comments

  1. Qormo aad u qurux badan o xambaarsan dareen Hooyonimo Masha Allah , dhalasho Farxad leh Haadi yare, kor oo kaalin gal habaryar.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

A Journey of Growth: My Time at Somali Public Agenda (SPA)

Isbadallada Nolosha 2024