SAFARKII XUSUUSTA

 




Wuxuu ahaa safar aad u xiiso badnaa oo aan la qiyaasi karin xasuusaha uu wato. Arbaco ay taariikhdu ku began tahay Agoosto 28, 2024 waxay ii aheyd maalin aan galay safar qaatay 12 saacadood. Goor casar ah ayaan ka tagnay aniga iyo wiilkeyga Maxamed Haaddi garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, annaga oo ku sii jeednay safar dibadda ah.

Waa markii ugu horreysay oo uu safrayo wiilkeyga yar. Sida caadada ahba carruurta weydiimahooda ayaa badan markey la kulmaan waxyaabo aysan hore u arag. Waalidkuna kama daalo in ay dhageystaan waxna u sheegaan carruurtooda. Waxaan mid mid u tusayay waxyaabo badan oo aan uga sheekeyn jirey sida diyaaradaha iyo garoomada ay ku soo degaan. Mar walba wixii ku cusub ayuu su’aal iga weydiiyaa anna kama daalo inaan uga jawaabo. Waxa intaas dheer inaan uga sheekeynayey qisooyin ku saabsan safarka si uusan u dareemin caajis iyo hurdo inta safarka lagu jiro.

Markii ay diyaaraddu hawada gashay ayuu billaabay inuu daawado caadka, cirka buluugga ah marna daruurta leh iyo dhulka. Waxaa ka mid ahaa suaalaha uu i weydiinayay, “hooyo bisha ma arkeynaa? Qorraxda ma ag tagi karnaa?” Iyo su’aalo kale.

Waxaan transit ku aheyn garoonka Addis Ababa ee Itoobiya. Markii aan dagaynay ayuu i weydiiyay, “hooyo, maxaan u dageyna? Hooyo, gurigeenna ma tagnay mise diyaaradda ayaa na geyneyso?”. Diyaarad kale ayaan ka raacnay Addis Ababa taas oo u noo wadday dalka Masar. Waqti qurux badan iyo sheeko dheer ka dib waxaa gaarnay magaalada xadaaradda badan ee Qaahiro, balse ma jecleyn in safarku naga dhammaado waayo waqtiga aan safarka ku jirnay waxaan dareemayay in uusan nagu filneyn.

 Ugu dambeyn bannaanka ayaan u soo baxnay halkaas oo walaalahey nagu sugayeen. Waxa na loo diyaariyey tagsi, halkii ayaana ka raacnay si aan guriga u tagno. Guriga waxa nooga horreysa hooyadey macaan iyo qaar ka mid ah walaalahey. Markii aan tagsiga raacnay ayuu ku mashquulay, waa wiilkeygee, waddooyinka magaalada iyo dhismayaasha aadka uga duwan kuwii uu hore u arki jirey. Wax walba oo uu arko wuu i tusaa isaga oo farta ku fiiqaya si aan ula arko, haddana su’aal ayuu iga weydiiyaa hadba wixii uu arko.

 

Ugu dambeyn waxaan gaarnay gurigii oo ay ku sugnaayeen hooyadey iyo walaalahey. Runtii ilmo farxadeed ayaa iga timid markii aan dhaayaha saaray hooyadey oo aan lakulankeeda u dhararayey in muddo ah, lamana soo koobi karin xiisaha aan u qabay inaan muddo ka dib arko hooyadey macaan. Maxaa ka macaan marka hooyadaa ay laabta ku galiso oo ay dhabbanada kaa dhunkato? Waa dareen aan ku qiyaasi waayey ereyada qaamuuska! Waxaa sidoo kale aad ii farxadgaliyey lakulanka walaalahey oo aan wehelkooda aad u tabay iyo wiilkeyga yar ee aan habaryarta u ahay “Maazin” oo aheyd marki ugu horeysay  aan si caadi ula kulmo annago awal kasheekeysan jirnay qadka.

Maalmaha joogisteyda Qaahiro waxay billawdeen Khamiis ay taariikhdu ku asteysneyd Agoosto 29, 2024. Waxaan dhihi karaa waa mid ka mid ah safarradii iigu xusuusta iyo xamaasadda badnaa. Wuxuu ahaa safar aan ku dareemay nasasho iyo farxad aanan lagu qiyaasi karin tix iyo tiraab. Khamiistaas galabkeedii ayaan is raacnay aniga iyo walaalahey, waxaana aadnay Alexandria halkaas oo ay wax ka baraneysay gabar ila dhalatay. Walaashey ma ogeyn inaan xaggeeda u soconno ama aan imid dalka masar wax walbana lamafilaan ayaan uga dhigi rabnay.

Markii aan gaarnay Alexandria waxaan si toos ah u abbaarnay halkii ay walaashey joogtay. Aragtideyda ayey aamini waysay, waayo qorshaha safarkeyga lama aysan socon. Inaan hortaaganahay ayaa la noqotay riyo-maalmeed. Wajigeyga ayey taabataa si ay nafteeda u dareensiiso in imaanshaheygu xaqiiqo yahay iyo in kale. Markaan ku qoslay sida ay iila yaabban tahay ayey igu dhegtay oo ay laabta igu boobtay. Wey iga fuqi waysay ilaa ay walaalahey kula kaftameen, “naa gabadha neefta ha ku celin.” Waxay aheyd maalin aanan illaawi doonin xusuuseheeda iyo xiiseheeda. Waqti farxadeed oo qiimihiisa wax gooya aysan jirin ayaan isla qaadannay aniga iyo walaashey.

Waxaan isla aadnay goobaha dalxiiska Alexandria sida maktabadda magaalada, suuqa iyo beeraha lagu nasto. Waxa kaloo aad ii cajabiyey xeebta jawiga macaan ee magaaladaas oo aan waqti wanaagsan ku soo qaadannay.

Run ahaantii waqtigii aniga iyo wiilkeygu aan la qaadannay hooyadey iyo walaalahey, wuxuu ahaa waqti cajiib ah. Waa nasiib qurux badan marka aad hurdada ka soo kacdo oo ay kaa soo horbaxaan wajiyada aad aadka u jeceshahay. Qof walba waxaan u rajeynayaa in uu nasiib u helo, in uu ehelkiisa iyo dadka u dhow waqtiyo qurxoon la qaato. Waqtigu wuxuu is guraba waxaa la gaaray soo-noqoshadeyda. Waxaan dib ugu laabanayaa Soomaaliya balse qalbigu wuxuu jeclaa in waqtiga dib loo celiyo si aan u helo fursad dheeraad ah oo aan ku sii joogo Masar. Xiisaha aan u qabay agjoogga hooyo iyo walaalahey, iyo waqtiga aan heystay iskuma qalmin.

24 cisho ka dib oo ku beegneyd September 21, waa waqtigii soo laabashadeyda. Habeenkii aan guriga ka soo baxayay waxaa indhaheyga soo buuxshay ilmo aad u badan. Macsalaameynta iyo hab-siintu ma aheyn kuwo igu filan. Waxay aheyd inaan ka bixin laabta hooyadey macaan iyo walaalaheyga aan jecelahay. Wiilkeyga Maxamed waxaan uga soo tagay hooyo iyo walaalo. Wali ma aanan baran inaan la’aantiis noolaado. Ma garanyo sida waayaheygu noqon doonaan isaga la’aantiis, waayo habeen ma hurdin anigoon dhunkan misna laabta galin. Waxaan u rajeynayaa dhammaantood cimri dheer, farxad iyo caafimaad badan.

 




 

 



Comments

  1. Best surprise ayu ahaa Farhad kunoolaaw abaayo

    ReplyDelete
  2. Labo Sano kadib wlhi aad baan ugu faraxsanahay imaashaaga , illahey Haku xadifo abayo mcn

    ReplyDelete
  3. What an amazing young mom allahuma baarik❤️❤️

    ReplyDelete
  4. Wow! Quruxda qisada waxaa bilay habsami dhigaalka iyo sheeko sameynta! Maasha'Allaah. Baraare iyo barwaaqo dhammaantiin inamadeyda, walaalaha iyo waalidka lagu xusay sheekada safarka.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhalasho iyo Dhambaal Farxadeed

A Journey of Growth: My Time at Somali Public Agenda (SPA)

Isbadallada Nolosha 2024