Fariin ku socoto gabdhaha raaca Bajajta

 

Subaxdii inta aanan aadin shaqadeyda,waxa aan sameyn jiray xoogaa jimicsi socod ah. Saakay ayaan ka habsaamay jimicsigii. Marki aan aaday shaqada ayaan go’aansaday in aan xoogaa sii lugeeyo kahor inta aan raacin bajaj. Aniga oo socda laamiga wadnaha ayaa waxa ay isheyda qabatay arrin aan ka naxay! Waxa ay aheyd mid kamid ah bajajyada socda laamiga oo ay saarneyd gabar wadato xijaab dheer. Xijaabkeeda wuxuu usoo baxay bannanka asigoo bidbidayo. 

Gabadhaas waxay kujirtay halis sabab u noqon karta iney dhibaato soo gaarto. Xijaabkeeda wuxuu u dhawaa taayarka bajajka (lugta dambe ee bajajta). Anigu ma aanan heysan fursad aan ugu sheego in ay ceshato xijaabkeeda. Arintaas oo igu dhalisay diyaarinta qoraalkan.

Si guud ahaaneed bajajta waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin:

·          Amaanka

·          Caafimadka


1.Amaanka

Waa sheyga ugu weyn oo saameynta ku leh nolosha qofka bini’aadamka ah gaar ahaan iyo guud ahaanba.

Iyadoo gabdhaha ay u nugul yihiin bulshada inteeda kale marki loo fiiriyo, waxaa dhacda qaarkood in ay ku waayaan noloshooda qaarna ay waxyeello kasoo gaartay qaarna lagu la’yahay noloshooda.

Amni darradaas oo siyaabo kala duwan usoo gaarto gaar ahaan gabdhaha waxaa kamid ah afduub kufsi loo adeegsanayo. Waxaa kamid ah cabsi gelin maal iyo nafba loogaga qaadanayo iyo shilal joogta ah oo usii dheer intaas.

Waxaa jirta in ay bajajta ka fududahay gaadiidka kale ay bulshadu isticmaasho taasoo ay dhaliso badanaa shilal aan caadi aheyn sababna ay u tahay wadooyinka qaar oo burbursan iyo xawaaraha ay kusoco oo xad dhaaf ah, taasoo ay meesha ka maqan tahay ciidanka wadooyinka (traffic police) ee xaddidi lahaa arrimaha shilka ka imaan kara oo aan jid kasta joogin.

 

2.Caafimaadka

Waxa ay kala kulmaan xanuuno badan oo caafimaad dari saameyn ku leh, maadama ay haweenku ka nugul yihiin raga marka loo firiyo abuuristooda.

Dumarka sida aan ognahay waxay noloshooda u badan tahay inay uur leedahay, umul tahay  ama ay ku jirto isbeddelka billaha ah (caadada).

Xanuunnada ay ka dhaxleen waxaa kamid ah dilanka , dhabar xanuun, kiliya xanuun iyo mararka qaar in ay dawakhaad ka qaadaan.

Waxaa kaloo halis ku noqon kara kireystaha dhibaatooyinka uga imaan kara isticmaalka sigaarka iyo maandooriyaha sida jaadka, xashiishka ,taabuu-ga iyo wax walba oo beddeli kara miirka wadaha gaadiidka inta uu ku jiro waditaanka gaadiidka.


waxaa kale oo muhiim ah in ay ka taxadaraan kireystaha 

iyo wadaha mootada, oo looga baahan yahay arimahaan soo socda :

·          Feejignanta

·          Masuuliyadda wadaha mootadada

1.Feejignaanta

Shakhsiga raacaya mootada waxaa loogaga baahan yahay is uruurin, gaar ahaan gabdhaha oo labiskooda ka badan yahay kana culus yahay kan raga. Taasoo dhibaatada badanaa ay uga timaada is uruurin la’aanta marka ay raacayaan mootada. Sida aan ognahay, dhaqan ahaan gabdhaheenu waxa ay xirtaan lebis astur ah oo ay u badan tahay xijaab, cabaayad, goono ama saako kuwaasoo dhar mitiraad ah loona tolo qaab waasac ah (free size).

Hadaba gabadha marka ay raacdo mootada ama bajajta iyadoo aanan is uruurin waxaa bannanka ugaso baxa dharka ay xirneyd qeyb kamid ah taasoo sahaleysa inay maradii ku duubanto shaaga mootada (lugta bajajta). Xaaladdan waxaa ka dhalan kara shil lama filaan ah oo ay ku nafwaayi karto.

 

2.Masuuliyadda wadaha mootada

Waxaad mooddaa wadayaasha mootada in aanay garaneyn masuuliyadda ka saaran kireystaha iyo waajibaadka qaab_isticmaalka wadooyinka taasoo ay ku dhiirigelinayan ciidanka wadooyinka oo aanan la xisaabtameyn wadayaasha gaadiidka.

Xaquuqda kireystaha uu ku leeyahay wadaha oo meesha ka maqan taasoo ah inuu ixtiraamo rabitaanka kireystaha kana ilaaliyo wax walba oo halis u keeni kara kireystaha sida;

·                    Inuu ku dul kireeyo kireyste kale qofkii oo aan raali ka aheyn

·                    Inuusan ugu wadin gaadiidka si xowli ah

·                    Inuu gaarsiiyo meesha uu kulasoo hashiiyay si daganaasho ah

·                    Inuu ka ilaaliyo buuqa music-ga hadii aanan laga codsan

·                    Inuu digniin siiyo is uruurinta kireystaha taasoo laga yaabo inuu shil ka dhasho

·                    Inuu ilaaliyo nidaamka wadooyinka.

 

 

 

Digniin

Fadlan Soomaali weyn gaar ahaan gabdhaha waxaa idin kaga digaya in aad taxadartaan oo dharkiina aad ceshataan,

Waxaan kale oo ku bararujinayaa gabdhaha raaca bajajka in aysan u ogolaan in ay raacaan bajaj uu saaran yahay nin aysan aqoon u laheyn. Gabarey waxaa sabab u noqon kartaa halista naftaada waayo ma ogaan kartid qofka bajajka kula raacayo shirqoolka uu kuu maleegi karo.

bajajlayaashana waxaan ku bararujinayaa in ay u sheegaan qofka ay qaadayan in uu is uruuriyo.

 

 

Comments

  1. Masha allah. Qoraal faaido badan usoo kordhinaya akhristihiisa rag iyo dumarba.

    ReplyDelete
  2. Waa mahadsantahay Qamar macluumaadka muhiimka aad nala wadaagtay.

    ReplyDelete
  3. Mowduuc loo baahnaay in bulshadda lagu baraarijiyo,

    Mahadsanid!

    ReplyDelete
  4. Farriintaada waa arrin aad muhim u ah. Adeegsiga bajaajta waa helis, sida ku cad qoraalkaaga, gabdhaha waa in ay aad uga feejignaadaan. Mahadsanid Qamar

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhalasho iyo Dhambaal Farxadeed

A Journey of Growth: My Time at Somali Public Agenda (SPA)

Isbadallada Nolosha 2024