Dhalasho iyo Dhambaal Farxadeed
Waa shan sano oo iiga duwan intii aan soo noolaa adiga ka hor, waayo waxaad ii noqotay wehel oo markaan murugoodo aan farxad ka raadsado. Waxaad ii noqotay deyr aan weheshado markaan cidloodo. Waxaad ii noqotay dhiirrigaliye markaan niyad jabo i dhiirriya. Hooyo, waxaad tahay ildoogsi aan ku illaabo dhibaato kasta oo i soo marta. Shantaas sano ee aad indhahayga hortooda ku koraysay waxaad dhistay maskaxdayda, garaadkeyga, farxaddayda, hankeyga iyo kalsoonidayda oo ah inaan hooyo noqon karo.
Hooyo, maalintii aad dhalaneysay fooshaadu waxay ii ahayd mid aad u xanuun badan taariikh weyna ii leh. Muddo maalin iyo bar ah ayaan dareemayay xanuunka fooshaada oo markii dambe la igu dhahay “waxaad ku dhaleysa qalliin (C section)”. Hooyo macaane, curadkeygiyoow, xanuunkaas, murugadaas iyo dhaawacaas oo dhan waxaan ku illaabay adiga dhoolacaddeyntaada, farxadaada iyo qosolkaaga. Hooyo, ogow jacaylka dhabtaa waa midka ka dhaxeeya waalidka iyo ubadkiisa waxaana dareemi karo qof kasta oo waalid ah.
Hooyo, waxaan ku dadaalaa sidii aad ku heli lahayd waxbarasho tayo leh si aad u noqoto aqoon yahan, naftiisa ka sokoow, dadkiisa iyo dalkiisa waxtara. Waxa kale oo aan ku dadaali doonaa in aad ku noolaato nolol amni leh oo dhiirranaan ku jirto si aad asaagaaga uga horumarto. Deeqsiyow hooyo, inta aan noolahay ma cidloon doontid, ma murugoon doontid mana dhibaatoon doontid, inta awooddeyda ahna hambalyadada iyo farxaddaada kama daali doono. Ciiltirow hooyo, maalintaadu waxay ii ahaan doontaa maalin iiga duwan maalmaha kale.
Duco iyo Dardaaran
Hooyo, waxaad ku soo biirtay duni ay dadka xuni aad u saamayn badan yihiin. Wiilkeygow waxaan kugula dardaarmayaa in aysan ku saameynin dadka xun. Waxaan sidoo kale kugula dardaarmayaa in aad wanaagga u noqoto tusaale fiican iyo hoggaan caddaaalad badan. Hooyoow noloshaada waxan ka dhowray xaaraan iyo xoolo islaameeda, adna sidaan kuu ilaaliyey uga dhowrsanow labadaas. Xaaraan waxaa ka badbaada kaliya qofka Alle isku dhiiba ee noqo qof mar kasta Alle talo saarto, waayo wax walba Allaha deeqsiga ah ayaa kaaga filan.
Hooyo, ha is wada raacsiin dunidaan dhaldhalaalka badan oo ha illaabin sababtii laguu keenay dunidaan, oo ahayd inaad Ilaahey caabuddo/addeecdo. Hooyo, ka faa’idayso jaanisyada wanaagsan oo ku soo mara waayo kuuma soo laaban doonaan mar kale, hana ka qoomameyn wixii ku seega ee dadaalkaaga ka baxsan waayo calafkaaga ma aha. Hooyo, caawi cid walba oo kaa awood yar adiga oo aanan abaal ka sugeynin iyaga, Alle ayaa ku abaalmarin doonee. Hooyo noqo mid ixtiraam badan adiga oo ka billaabaya naftaada, waalidkaada iyo qof walba oo ixtiraam kaa mudan.
"Daacadow Haadi
Darajo badanow hooyo
Deeqsiyow mahamed
Dun wanaagow hooyo
Dugsigan ku nastiyo
Neecawdaan dareemow hooyo
Dardaaran baan kuu wadaaye
Guddoon wacan hooyo
Dunidaan nacastaa maalintay
Kugu soo dul liicdo hooyo
Maalintay waayuhu ku dabraan
Daalay aad tiraahdo hooyo
Xasuuso digrigii eebiyo
Dardaarankii rasuulka hooyo
Daganaanshaa laga helaa
Iyo dareen gooniyahe hooyo
Daa’inkaaga weydiiso hooyo
Laabtu waxay doonayso hooyo
Ducaduna waa darajee
Gacmaha sare u taago hooyo
Hooyo waa iga dardaarane
Daa’inkaaga kaasho hooyo
Kuu duceeyay aniguye
Degenaan ku meel mar hooyo."
Hooyo, llahay waxaan kaaga baryaa cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suubban. Hooyo, Alle hakaa dhigo mid xalaasha quuta, xaaranta ka dheeraada, dulmigana aan oggolaanin. Hooyo, waan ku kalsoonahay dadaalka aan kuu soo huray in aad miro wanaagsan ka dhalin doontee, adna Alle hakula garabgalo masuuliyadda ku saaran. Waxaan ku hanweynahay inaad noqon doontid wiil diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa wax u tara.
Hooyo, ahow mid dulqaad badan muujiya waayo waxaan joognaa adduun dulmigu ku badan yahay caddaaladduna ku yar tahay. Hooyo qormadan waxan qoray markaad shan jirsatay waxaana kuu rajeynayaa inaa aqrisid mar kasta oo aad u baahato weheshigayga. Curadkeygiyow, waxan kula jecelahay inaad asaagaa ugu sarreyso, sidaas ahow waligaa
"Hooyow cuddoonow
Cadkii layga beerow
Curadkaan jeclaayow
Casiiskaan baryaayaa
Inuu caafimaad iyo
Kuu hibeeeyo ciso iyo sharaf
Casirkiyo salaadaha
Habeenkii cishaha ka dib
Caadil waxa ka tuugaa
Inuu caalim mu’mina
Ama amiir daacada oo caadila
Caawiya dadkiisoo
Kaa dhigo duco qabe
Kaa dhigo duceysane."
Qormo aad u qurux badan o xambaarsan dareen Hooyonimo Masha Allah , dhalasho Farxad leh Haadi yare, kor oo kaalin gal habaryar.
ReplyDelete