Dhalasho iyo Dhambaal Farxadeed
Hambalyo wiilkeyga Maxamed-Haaddi. Hooyo, waxaad dhalatay maanta oo kale oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Abriil 2020, abbaare 5:15 galabnimo. Maanta waad shan sanad jirsatay, shantaas sano adiga waxay kuu ahayd iftiin, farxad iyo dhaldhalaal aad ku soo dhex koraysay, balse aniga waxay ii ahayd shan sano oo garaad, waaya-aragnimo iyo farxad isbiirsaday ah. Waa shan sano oo iiga duwan intii aan soo noolaa adiga ka hor, waayo waxaad ii noqotay wehel oo markaan murugoodo aan farxad ka raadsado. Waxaad ii noqotay deyr aan weheshado markaan cidloodo. Waxaad ii noqotay dhiirrigaliye markaan niyad jabo i dhiirriya. Hooyo, waxaad tahay ildoogsi aan ku illaabo dhibaato kasta oo i soo marta. Shantaas sano ee aad indhahayga hortooda ku koraysay waxaad dhistay maskaxdayda, garaadkeyga, farxaddayda, hankeyga iyo kalsoonidayda oo ah inaan hooyo noqon karo. Hooyo, maalintii aad dhalaneysay fooshaadu waxay ii ahayd mid aad u xanuun badan taariikh weyna ii leh. Muddo maalin iyo bar ah ayaan dare...