Wixii kuu qoran kun sano ayay kaa weyn yihiin
Cabdullahi Aadam waxa uu ahaa nin Ilahey ku xiran oo taqwo badan. Wuxuu ahaa aabbo Soomaliyeed oo leh xaas iyo caruur, wuxuuna u xamaalan jiray reerkiisa xilligii Soomaaliya ay ka socdeen dagaalladii sokeeye. Waxaa dhacday maalin maalmaha kamid ah in ay is dagaaleen labo qabiil, kadib kooxdii laga adkaaday ayaa waxay ku heshiiyeen in ay si aargudasho ah u dilaan qof kamid ah reeraha kooxda ay ladagaalsanaayeen. Cabdullahi Aadam oo ahaa nin jecel nabadda kanasoo horjeeday dagaalkii beelaha ee wadanka ka dhacayay ayaa maalin isaga oo socda waddo waxaa qabtay qoladii raadineysay aargudashada. Waxa ay saarteen qeybta dambe ee gaari nuuciisu yahay Harrier isaga oo ku dhawaaqaya “war halkeed ii wadaan” iyo “maxaa iga rabtaan”. Waxa ay u dhaqaaqeen meel duur ah si ay ugusoo dilaan . Waxay socdaanba markii dambe gaarigii ayaa ka galay bacaad. Gaariga Harrier ma aha gaari bacaad in uu lago lagu yaqaano balse qadarta Illahey ayaa ah mid wax walba ka weyn. Qoladii hu...